Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay taageertay go’aankii dhawaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo mucaaradka loogu baaqay in ay ka soo qeyb galaan kulan wadatashi oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda hadda la taagan yahay.
Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Boqortooyada Ingiriiska laguna faafiyay barta X ayaa lagu yiri, “Boqortooyada Ingiriiska waxa ay soo dhaweenaysa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho bisha Febraayo.”
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka ay ku mideysan yiniin hoggaamiyaasha Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed lagu dhiirigalinaya ka qeyb galka shirkaan.
“Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay gaaraan is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya,” sida lagu sheegay warka ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.


