Thursday, March 12, 2026

Ingiriiska oo soo dhaweeyay gogosha ay DFS u fidisay Mucaaridka

Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay taageertay  go’aankii dhawaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo mucaaradka loogu baaqay in ay ka soo qeyb galaan kulan wadatashi oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda hadda la taagan yahay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Boqortooyada Ingiriiska laguna faafiyay barta X ayaa lagu yiri, “Boqortooyada Ingiriiska waxa ay soo dhaweenaysa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho bisha Febraayo.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka ay ku mideysan yiniin hoggaamiyaasha Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed lagu dhiirigalinaya ka qeyb galka shirkaan.

“Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay gaaraan is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya,” sida lagu sheegay warka ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles