Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in Mareykanku isticmaalo dhulkooda

Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in ay u oggolaadaan Maraykanka isticmaalka dhulkooda, hawadooda ama biyahooda si uu uga weerarro Iran, iyadoo sheegtay in tallaabadaas ay cawaaqib culus ku yeelan doonto dalalkaas.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran, Mohammad Saleh Jokar, ayaa sheegay, haddii Maraykanku dhulka dalalkan u adeegsado weerar ka dhan ah Iran, in ay la kulmi doonaan “Khasare culus”.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay in dib u soo celinta xayiraadaha hawlaha badda ay ka dhigan tahay mid lagu jabinayo heshiiskii Terhan iyo Washington.

War-saxaafadeedka wasaaradda waxay sidoo kale ku eedaysay Maraykanka dambiyo dagaal, iyadoo tusaale u soo qaadatay weerarro lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha rayidka iyo adeegyada bulshada.

Iran waxay sheegtay in meelaha la beegsaday ay ka mid yihiin xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad, xarunta kaydinta masagada ee Hoveizeh, iyo meelo kale.

Tehran waxay sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad muddo hal sano gudaheed ah oo Maraykanku weerar ku qaado Iran iyadoo ay weli socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac.

Iran waxay ugu baaqday dalalka gobalka in aanay u oggolaan dhulkooda, hawadooda ama biyahooda in loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, iyadoo sheegtay in ay doonayso in ay xoojiso isfahamka iyo iskaashiga gobalka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Madasha Samatabixinta...

Guddoomiye Jaamac oo shaki geliyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

DFS oo hub iyo ciidamo hor leh u daabulaysa KGS kadib guulaha Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub iyo...

Obama oo difaacay Ilhaan Cumar

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa si cad...

Ilaalada Kacaanka Iran oo hanjabaad u dirtay Trump iyo Netanyahu

Saacad ka dib markii Donald Trump uu sheegay inuu...

Masar oo oggolaatay inay Sacuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

Mas’uul sare oo dhanka amniga ah oo u dhashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles