Monday, May 25, 2026

Israa’iil iyo Xamaas oo gaaray heshiis xabbad joojin ah

Israa’iil iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis xabbad joojin ah si loo soo afjaro dagaalka 15 bilood ka socday magaalada Qaza.

Heshiiska ayaa daba socda wadahadalo socday bilo, iyadoo Qatar ay ka mid tahay dalalka dhexdhexaadinayay.

Heshiiska ayaa waxa uu u ogolaan doonaa boqolaal kun oo ka barakacay Qaza in ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Xamaas ayaa weerartay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ay ku dishay ilaa 1,200 oo qof, 251 kalena ay dib ugu celiyeen Qaza iyagoo afduub ahaan ah.

Weerarkan ayaa dhaliyay weerar ballaaran oo ay Israa’iil ku qaaday Qaza, kaasoo lagu dilay in ka badan 46,000 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Israa’iil waxay sheegtay in 94 la haystayaal ay weli Xamaas haystaan, kuwaas oo 34 ka mid ah loo malaynayo inay dhinteen

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska la gaaray lana sii deyn doono la haystayaasha dhawaan.

Balse, xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weli ay jiraan qadobo dhowr ah oo aan la xallin kuwaas oo ku jira heshiiska.

Heshiiska la sheegay waxaa ka mid ah xabbad-joojin ku-meel-gaar ah iyo sidoo kale sii deynta maxaabiista lagu haysto Gaza iyo maxaabiis badan oo ay haysato Israa’iil. Heshiisku wuxuu sidoo kale, ugu dambeyntii, u oggolaanayaa Falastiiniyiinta barokacay inay ku laabtaan guryahoodii.

Weli si rasmi ah looma soo saarin qoraalka heshiiska, balse warbaahinta caalamka ayaa laga soo xigtey heshiiska.

Wajiga hore wuxuu socon doonaa lix toddobaad, wuxuuna ku lug yeelan doonaa isdhaafsi xaddidan oo maxaabiis ah, ka bixitaanka qayb ka mid ah ciidamada Israa’iil ee Gaza iyo ogolaanshaha gargaarka ee magaalada Gaza.

Soddon iyo saddex qof oo Israa’iili ah oo maxaabiis ah, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dad rayid ah oo da’doodu ka weyn tahay 50 sano – oo lagu qabtay weerarkii ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa’iil Oktoobar 7, 2023 – ayaa la sii dayn doonaa. Beddelkeeda, Israa’iil waxa ay sii deyn doontaa ilaa 2000 oo maxaabiis falastiiniyiin ah inta lagu guda jiro marxaladan, oo ay ku jiraan 250 maxbuus oo xabsi daa’in ah ku xukuman.

Falastiiniyiinta la sii daaynayo waxaa ka mid ah ilaa 1000 qof oo la xiray wixii ka dambeeyay 7-dii October.

Iyadoo la isweydaarsanayo maxaabiista, Israa’iil waxay ciidamadeeda kala bixi doontaa xarumaha dadweynaha ee Gaza oo ay geyn doonaan meelo u jira illaa 700 oo mitir xadka Gaza ay la wadaagto Israa’iil.

Israel ayaa sidoo kale u ogolaan doonta Falastiiniyiinta dhaawaca ah inay ka baxaan marinka Gaza si loogu daweeyo, waxayna furi doontaa marinka Rafah ee Masar toddobo maalmood ka dib bilowga hirgelinta wajigii koowaad.

Ciidamada Israel ayaa dhimi doona joogitaankooda marinka Philadelphi Corridor, oo ah xadka u dhaxeeya Masar iyo Gaza, ka dibna ay gabi ahaanba isaga bixi doonaan marxaladaha dambe.

Kadib markii la shaaciyay heshiiska ayaa kumanaan ruux oo Falastiiniyiin ah waxa ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada Qaza iyagoo dabaaldegaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo hor istaagtay dadkii maanta u safri lahaa dalka Masar

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Xuseen Iidow ayaa maanta...

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furanayso Qudus

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 14 dal oo Carbeed iyo...

Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo...

Kooxo Burcad-badeed Soomaali ah oo kordhiyay weerarrada Gacanka Cadmeed

Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta badda ee Maritime...

Turkiga”Dalal ka tirsan Geeska Afrika ayaa codsanaya qaabka iskaashiga amni ee aan ka hirgelinnay Soomaaliya”

Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles