Friday, April 10, 2026

Israa’iil oo duqayn ay ka geysatay iskuul ku yaal Qaza ku dishay 30 qof

Milateriga Israa’iil ayaa weerar ku qaaday iskuul u dhow magaalada Deir al-Balah oo ku taal bartamaha Qaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 30 falastiiniyiin ah, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamusho Xamaas.

Ciidamada Israa’iil (IDF) ayaa ku sheegay Telegram in xarun talis iyo maamul oo Xamaas leedahay ay ku dhex-tiil gudaha Iskuulka Khadiija.

IDF ayaa intaa ku dartay in Xamaas ay xarunta u adeegsatay meel gabbaad ah oo ay ka hagaan oo ay ka qorsheeyaan weerarada iyo kaydinta hubka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in muuqaallada ay muujinayaan in dadka la laayay ay ahaayeen dad rayid ah oo u badan caruur. BBC ayaa xaqiijisay muuqaal muujinay carruur ka mid ah dadka dhaawacmay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles