Duqeymo dhanka cirka ah ayaa Israaโiil ka geysatay Qaza, iyada oo ku garaacday guriga dhakhtarad ay ku dishay sagaal ka mid ah 10 carruur ah oo ay dhashay, sida uu sheegay isbitaalka ay ka shaqeyso ee magaalada Khan Younis.
Isbitaalka Nasser ayaa sheegay in mid ka mid ah carruurta Dr Alaa al-Najjar iyo ninkeeda ay dhaawacmeen, balse ay badbaadeen.
Graeme Groom, oo ah dhakhtar qalliin oo Ingiriis ah oo ka shaqaynayey cisbitaalka kaas oo qaliin ku sameeyey wiilkeedii 11-jirka ahaa ee badbaaday, ayaa BBC-da u sheegtay in ay ahayd โarxandarro aan loo dulqaadan karinโ in hooyadii, oo sannado badan daryeeleysay carruurnimadiisii ay ku waayi karto hal gantaal.
Milatariga Israaโiil ayaa sheegay in diyaaradahoodu ay ku duqeeyeen โtiro tuhmanayaal ahโ gudaha Khan Younis, Jimcihii iyo โsheegashada la xiriirta waxyeelada loo geysto dadka rayidka ah ee aan lugta ku lahayn dib ayaa loo eegayaaโ.