Xukuumadda Soomaaliya oo digniin u dirtay Kalluumeysatada iyo dadka taga xeebaha dalka

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan halista ka dhalan karta kacsanaanta badda, kaddib markii ay soo baxeen warar muujinaya in baddu qaaday 9 qof oo dhalinyaro ah laba maalmood gudahood, iyadoo 5 kamid ah meydkooda la helay halka 4 kalena wali la la’yahay.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilligan la joogo uu yahay xilli badda si aad ah u kacsan tahay (Jiidmaal), taasoo sabab u noqon karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara doomaha kalluumaysiga, kalluumeysatada iyo guud ahaan dadka ku sugan xeebaha dalka.

“Waxaan si gaar ah u digeynaa dhammaan doomaha yaryar ee ku hawlan kalluumaysiga iyo howlaha kale ee badda inaysan gelin badweynta inta lagu jiro xilligan kacsanaanta, maadaama khatarta ay keeni karaan mowjadaha xooggan iyo xaaladaha degdegga ah ee cimiladu ay sare u qaadayaan halista shilalka badda,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, in ay ka fogaadaan xeebaha dalka, isla markaana aan lagu dhaqaaqin dabaal ama damaashaad xeebeed muddada lagu jiro xilligan khatarta ah. Waxay sheegtay in loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah si looga hortago musiibooyinka naxdinta leh ee marar badan ka dhaca xeebaha dalka.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay weli socoto gurmadka lagu raadinayo afarta qof ee wali maqan, kuwaasoo qeyb ka ahaa koox dhalinyaro ah oo damaashaad u tagay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn ugu baaqday hay’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir, iyo bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan laamaha gurmadka si loo xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga iyo wacyigelinta la xiriirta badaha muddada lagu jiro xilliga kacsanaanta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles