Wednesday, March 12, 2025

Israa’iil oo duqeyn ku dishay 20 qof kadib shaacinta heshiiska la gaaray

Duqeyn xaga cirka ah oo ay fulisay Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof oo ku nool magaalada Qasa, kadib markii la shaaciyay heshiiska xabad joojinta iyo siideynta maxaabiista oo ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil.

Warkan werark la xiriira waxaa laga soo xigtay hay’adda difaaca rayidka ee ay maamusho Xamaas ee Qasa.

Duqeyntan ayaa dhacday xalay, dadka dhibanayaashana waxaa ku jiray 12 qof oo ku noolaa xaafad ku taal xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gasa, sida ay sheegtay hay’addu.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil.

Iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta, weli ma aysan ansixin golaha wasiirada ee Israa’iil, haddii la ansixiyana ma dhaqan-geli doono illaa maalinta Axadda.

Israa’iil ayaa hore duqeymo xagga cirka ah fulisay iyadoo uu dhaqan galayay heshiisyo xabbad-joojineed oo hore loo gaaray oo ay ku jirto tii ugu dambeysay ee Lubnaan, halkaas oo duqaymaha culus lagu garaacay caasimadda Beirut saacado yar ka hor xabbad-joojintii halkaas ka dhacday bishii November.

WARARKII KALE

Maxey Ka Wada Hadlen Cali Guudlawe iyo Mr. Richard H. Riley.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo waqti...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Sudan ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Horjoogayaashii Qaraxyada iyo Maaliyadda gobollada Banaadir iyo Sh Hoose

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska NISA ayaa waxaa lagu...

Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo anisixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

MW Deni oo ganacsada kala hadlay la dagaalanka kooxda Daacish.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles