Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay Britain inay Israel ka aar-goosan doonto haddii dowladda UK ay cunaqabateyn kusoo rogto Israel, sababo la xiriira qorshayaasha ballaarinta deegaannada Yuhuudda ee Daanta Galbeed.

Isagoo markii ugu horreysay Baarlamaanka UK hortagay tan iyo markii uu noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ed Miliband ayaa sheegay inuu toddobaadyada soo socda ku dhawaaqi doono “dib-u-habeyn ballaaran” oo lagu sameynayo siyaasadda Britain ee ku aaddan Israel.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay baaritaan ku sameyn doonto sidii looga hortagi lahaa shirkadaha Britain inay “maalgelin, dhisid ama xayeysiin” ku sameeyaan deegaannada cusub ee Israel ka dhisayso Daanta Galbeed ee la haysto.

Gideon Saar oo arrintaas ka hadlay ayaa u sheegay mareegta wararka ee afka Cibraaniga ku baxda ee Ynet: “Haddii Britain ay tallaabo ka qaaddo Israel, Israel waxay tallaabo ka qaadi doontaa Britain.”

“Haddii ay sidaas sameeyaan, waxaan u malaynayaa inay samaynayaan khalad weyn,” ayuu yiri.

Bishii hore, Israel ayaa furtay qandaraasyo lagu dhisayo ku dhowaad 1,200 oo guri oo cusub oo laga hirgelinayo aagga loo yaqaan E1, oo ah dhul istaraatiiji ahaan muhiim ah oo dhanka bari kaga beegan Qudus. Qorshahan ayaa dhaleeceyn ballaaran kala kulmay beesha caalamka.

Hirgelinta qorshahan ayaa si dhab ah Daanta Galbeed u kala qaybin karta laba qaybood, sidoo kalena go’doomin karta Qudusta Bari.

Miliband ayaa sheegay in qorshayaashu ay “sharciga caalamiga ah ka soo horjeedaan”, wuxuuna ku tilmaamay “xad gudub khad cas”, maadaama ay qorshuhu dhex marayo bartamaha Daanta Galbeed, isla markaana uu khatar gelinayo suuragalnimada in la dhiso dowlad Falastiini ah oo shaqayn karta.

WARARKII KALE

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel...

Xuutiyiinta oo Raadarro geeynaya Soomaaliya iyo Al-shabaab oo loo Tababarayo Dagaalka Casriga ah

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles