Tuesday, March 3, 2026

Israa’iil oo lagu eedeeyey inay si ula kac ah u xannibtay gargaarkii Qasa

In ka badan 100 hay’adood oo kuwa gargaarka ah ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay sii waddo inay gargaarka bani aadminimada xannibto Qasa, inkastoo ay ballan qaadday inay ogolaanayso mucaawino dheeraad ah si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay gaajada halkaa ka jirta.

Hay’adda Oxfam ayaa sheegtay in gargaar ku kacaya in ka badan 2 malyan oo doollar la diiday.

Hay’adda Care waxay iyadana sheegtay in gargaar loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka oo ku kacaya in ka badan 2 malyan oo doollar la sugayo muddo 5 bilood ah inuu deegaankaas galo.

In badan oo hay’adaha gargaarka ah waxay sheegeen in Israa’iil aysan ogolaan wax gaadiidka mucaawinada sida ah inay galaan tan iyo markii ay xannibaaddu bilaabatay bishii Maarso

Hay’aduhu waxay ka digeen xeerarka cusub ee ay wax ku kala saarayso Israa’iil inay gabi ahaanba yihiin kuwo iyaga hor istaagaya.

 

WARARKII KALE

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Dagaalka Bariga dhexe oo galay Maalintii afaraad

Iraan ayaa gantaallo horleh u riday dhanka Israa’iil, sida...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles