Thursday, February 6, 2025

Israel oo ku hanjabtay in hawlgallo dheeraad ah ay ka fulineyso Daanta Galbeed

Milatariga iyo sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay in howlgal xiriir ah laga fulin doono Jenin iyadoo Israa’iil ay wajaheyso dagaal fool-ka-fool ah oo hadda u wareegay Daanta Galbeed ee la haysto.

Ciidamada Israa’iil ayaa laba Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo qorshahooda uu yahay inay ballaarinayaan weerarrada ay ku hayaan xerada qaxootiga ee Jenin.

Xeradaasi waxaa saacadihii la soo dhaafay ku dhintay ugu yaraan 10 qof,halka uu dhaawac ka soo gaaray tobanaan kale tan iyo Talaadadii.

Xilli gawaarida sidda gargaarka ay ku sii qulqulayaan Gaza, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa ka digaysa in Falastiiniyiinta ku soo laabanaya guryahoodii ay la kulmi doonaan ama ay arki doonaan badidood guryo burbursan oo aan la degi karin.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 47,283 falastiiniyiin ah halka dhaawacana lagu sheegay 111,472 tan iyo bishiiOctober, 2023

WARARKII KALE

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles