Israel oo u diyaargaroobeysa howlgal weyn ay ka fuliso Khan Yunis

Ciidamada Israel ayaa u sheegay Falastiiniyiinta in ay ka guuraan bariga xaafadaha Khan Yunis ee koonfurta Gaza kaddibna ay aadaan dhinaca Al-Mawasi. Waxay isu diyaarinayaan ciidanka in ay qaadaan wax ay ku tilmaameen weerarkii ugu weynaa iyagoo ka jawaabaya dhaqdhaqaaqyada ciidan ee goobtaas laga fuliyay.

Hadal ay soo saareen ciidamada ayey ku sheegeen in gantaallo laga soo riday halkaas ay ku dhaceen Israel. Goobtaas waxay ka mid tahay meelaha bani’aadannimada ee Israel sheegtay in ay rayidka tagaan.

Arintan ayaa ku soo aaday sida Israel ay sheegtay markii ay heleen xog ku saabsan in Xamaas ay kaabayaal ka sameysatay goobtaas. Sidoo kale Israel waxay sheegtay in ay Xamaas ay shacabka ku dhex dhuumanayaan.

Wakaaladda wararka Falastiin, WAFA, ayaa sheegtay in isla markii ay ciidamada soo saareen digniinta ay bilaabeen duqeyn xoog leh, mana siin waqti ay rayidka isugu diyaariyaan in ay baxaan taasna waxay keentay dhimashada ugu yaraan 27 qof iyo dhaawac badan.

WARARKII KALE

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku Wajahan Ballanballe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles