Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta

Magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirro, mas’uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal iyo marti sharaf isugu jira mas’uuliyiin qaran, diblomaasiyiin iyo wariyeyaal.

Intii lagu guda jiray xafladda, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u furay “Taallada Nabadda Soomaaliyeed”, oo laga dhisay goobtii uu ka dhacay teendhadii taariikhiga ahayd ee lagu qabtay shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Carta sanadkii 2000-kii, kaas oo ahaa dhacdo taariikhi ah oo ka mid ah tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee lagu soo celiyay dowladnimada Soomaaliya kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah.

Sidoo kale, waxaa la daah-furay Matxafka Carta, oo diiwaangelinaya marxalado muhiim ah oo taariikhda siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya laga soo billaabo 1960 ilaa 2025, iyadoo uu matxafku xambaarsan yahay sawirro iyo dukumentiyo naadir ah oo muujinaya geeddi-socodkii dhismaha dawladnimada casriga ah iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran ee ka billowday Carta rubac qarni ka hor.

Munaasabaddan ayaa ahayd xus iyo maamuus loo sameeyay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee taariikhda Soomaaliya casriga ah, iyo amaanno loo jeediyay hoggaamiyayaashii qaran ee aas-aasay nidaamka federaalka iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Ugu dambayntii, xafladdu waxay ku soo idlaatay bandhig farshaxan iyo filim dukumentari ah oo soo bandhigay safar 25 sano ah oo isugu jira caqabado iyo guulo, iyadoo lagu jiro jawi farxadeed oo muujinayay xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo go’aankooda wadajirka ah ee ku aaddan xoojinta nabadda, midnimada iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles