Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland, ahna Hoggaanka Guud ee Amniga Jubaland, Abdirashiid Xasan Cabdinuur (Abdirashiid Janan), ayaa maanta kormeer iyo kulan muhiim ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada nabad sugidda Jubaland, gaar ahaan Ururka Hilaac oo dhawaan la siiyay saanad ciidan oo cusub.
Kormeerkan iyo kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga guud ee deegaanka, sare u qaadista diyaar garowga ciidamada, iyo dardargelinta howlgalada lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida deegaannada Jubaland.
Taliyaha ayaa ciidamada ku ammaanay dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyaan sugidda amniga, isagoo sheegay in ay door weyn ka qaataan ilaalinta xasiloonida iyo ka hortagga khataraha amni.
Sidoo kale, Abdirashiid Janan ayaa ciidamada faray in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan difaaca iyo xoreynta deegaannada, isla markaana ay muujiyaan feejignaan sare, isku duubni iyo adkeysi si loo xaqiijiyo amni waara.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in howlgalada socda ay yihiin kuwa muhiim u ah sugidda nabadda iyo ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada khatarta amni keeni kara.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay socdaan abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo kala duwan oo ka jira qaar ka mid ah deegaannada Gobolka Gedo, kuwaas oo ay kala wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland.


