Wednesday, July 30, 2025

Jenaraal Maxamed Xamdaan Daagalo oo qirtay in lagaga adkaaday Khartuum

Taliyaha ciidanka gurmadka degdegga ee loo yaqaan RSF Jeneraal  Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti), ayaa qirtay in ciidankiisa ku guuldareesteen in ay sii joogaan magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan, kaddib markii weerar culus kala kulmneen ciidanka milatariga.

Muuqaal uu soo duubay Jeneraalka ayuu ku sheegay in ciidankiisa isaga baxeen magaalada Khartuum, waxa uuna qiray in dagaalkii ka dhacay caasimadda ciidankiisa looga adkaaay, balse waxa uu xusay in ay dib isku soo abaabuli doonaan.

Taliyaha ciidanka RSF , ayaa ku hanjabay in ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Khartuum iyaga oo ka awood badan sida ay hadda yihiin, waxa uuna sheegay in sidoo kale la wareegi doonaan gobolada kale ee Sudan ka kooban tahay ay joogaan hadda milatariga.

“Haa. Waan ka baxnay Khartuum, laakiin idinka Ilaahay waxaan soo laaban doonnaa annaga oo intan ka xoog badan. Waanan guulasyan doonnaa. Haddii Eebbe qaddaro, waan jabin doonnaa. Ma aha keliya Omdurman, laakiin waxaan qabsan doonaa Khartuum, Baxri iyo dhammaan 18-ka gobol.”” ayuu yidhi Janaraal Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti).

Hadalka taliyaha ciidanka RSF , ayaa kusoo adaya xilli ciidanka milatariga Sudan guulo waa weyn ka gaareen dagaalkii ay kula jireen ciidanka RSF, waxa ayna milatariga mar kale sheegeen in ay hubka u qaada doonaan sidii kooxdan looga sifeyn lahaa guud ahaan dalka Sudan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles