Tuesday, March 3, 2026

Jowhar oo lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Hirshabeelle

Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa galabta lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Dowladda Hirshabeelle.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Xeer-ilaaliyaha Guud, Duqa magaalada Jowhar iyo marti-sharaf kale.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde) ayaa tilmaamay laanta ay ka hirgeliyeen Hirshabeelle inay si weyn ugu adeegi doonto bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa goobta lagu guddoonsiiyey aqoonsiga rasmiga ee muwaadinimo.

“Aqoonsiga muwaadinimo qaadashadiisa waxa uu laf-dhabar u yahay adeeg walba oo aad u doonaneysaan xafiisyada Dowladda, waxaa lagama maarmaan ah inaad xilli hore qaadataan.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay howlwadeennada NIRA ee Hirshabeelle inay si hufan ugu adeegan shacabka aqoonsiga u soo doonan doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles