Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu buriyo heshiisyadii ay horay ula gashay Imaaraadka Carabta.
Jubaland waxay sheegtay in heshiisyada la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga ay ka mid yihiin awoodaha ay Dastuur ahaan u leedahay, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka xaq u lahayn inay baabi’iso ama wax ka beddesho.
Waxay sidoo kale xaqiijisay in heshiisyadaasi sii shaqaynayaan ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto.



