Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in bannaanbaxyo waaweyn laga qaban doono deegaanada Jubbaland, kuwaas oo looga soo horjeedo tallaabooyinka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaaday gobolka Gedo iyo duqeyntii ka dhacday degmada Doolow.
Jubbaland ayaa sheegtay in go’aankan lagu gaaray kulan looga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhacdadii Doolow, iyadoo maamulka uu caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan arrimahaasi.
Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Türkiye ku eedeeyay inay qaadeen tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo ka baxsan xayndaabka siyaasadda iyo dastuurka dalka.
Bannaanbaxyada la iclaamiyay ayaa la sheegay inay ka dhici doonaan deegaano kala duwan oo Jubbaland ah, waxaana lagu muujin doonaa sida Jubbaland sheegtay, mowqifka shacabka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii ka dhacay gobolka Gedo.
Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in bannaanbaxyadu yihiin kuwo lagu muujinayo diidmada tallaabooyinka Dowladda Federaalka iyo dhinacyada kale ay ka qaadeen gobolka Gedo.


