Tuesday, March 3, 2026

Jubbaland oo si kulul ugu eedeysay Villa Soomaaliya weerarrada ka socda Beledxaavo iyo Doolow

Maamulka  Jubbaland ayaa warsaxaafadeed si adag uga soo saartay dagaallada isdaba-joogga ah ee ka socda degmada Beledxaawo iyo deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, iyada oo si toos ah ugu eedeysay Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, in uu abaabulay weerarro lagu wiiqayo xasiloonida Jubbaland.

Jubbaland waxay sheegtay in ciidamo federaal ah oo ku sugan xerada UK ee duleedka Beledxaawo ay dhowr jeer weerarro ku qaadeen magaalada, iyadoo la adeegsanayo diyaarado dagaal iyo hub culus, taas oo sababtay barakac, burbur hantiyadeed, iyo cabsi xooggan oo ka dhalatay magaalada. Maamulka ayaa tilmaamay in weerarradan ay yihiin qorshe siyaasadeed oo loogu dan leeyahay carqaladeynta Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamo kale oo amaro ka hela Villa Somalia ay sidoo kale xalay weerar ku qaadeen xarumaha ciidamada Jubbaland ee magaalada Doolow, taas oo sii hurisay colaadaha gobolka.

Jubbaland waxay ku eedeysay Villa Somalia in ay dagaalka u wajahday si la mid ah Al-Shabaab, iyada oo si gaar ah u tilmaantay in weerarkii Maxaas ee Al-Shabaab ay la wareegeen uu muujinayo halista siyaasadeed ee ka dhalan karta hab-dhaqanka dowladda Federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu ka go’an yahay difaaca shacabka iyo dhulka Jubbaland, isla markaana uu diyaar u yahay in uu iska caabiyo qorshe kasta oo xasiloonida deegaanka wax u dhimi kara.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles