Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay dagaalkii ka dhacay Maxaas

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ee si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas.

Sharif Sheekh ayaa tacsi u diray halyeeyada ciidamada iyo shacabka ku dhintay weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dhammaan dhaawacyada.

Wuxuu si adag u cambaareeyay in kooxda Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay dib u qabsato deegaanadii horay looga saaray, gaar ahaan magaalooyin istaraatiji ah sida Maxaas, taasoo uu ku tilmaamay mid muujineysa “mas’uuliyad darro culus” oo kasoo wajahan dowladda Federaalka.

Shariif Sheekh wuxuu sheegay in weerarrada ceynkan ah ay yihiin caddayn buuxda oo muujinaysa dayaca dhanka amniga qaranka, isagoo ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay ka dhega fureysteen talooyin muhiim ah oo la siiyay.

“Waxaa muuqata dayac iyo halis taabanaysa amniga qaranka, isla markaana madaxda dowladu ay dhegaha ka xirteen tallooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles