Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay dagaalkii ka dhacay Maxaas

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ee si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas.

Sharif Sheekh ayaa tacsi u diray halyeeyada ciidamada iyo shacabka ku dhintay weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dhammaan dhaawacyada.

Wuxuu si adag u cambaareeyay in kooxda Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay dib u qabsato deegaanadii horay looga saaray, gaar ahaan magaalooyin istaraatiji ah sida Maxaas, taasoo uu ku tilmaamay mid muujineysa “mas’uuliyad darro culus” oo kasoo wajahan dowladda Federaalka.

Shariif Sheekh wuxuu sheegay in weerarrada ceynkan ah ay yihiin caddayn buuxda oo muujinaysa dayaca dhanka amniga qaranka, isagoo ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay ka dhega fureysteen talooyin muhiim ah oo la siiyay.

“Waxaa muuqata dayac iyo halis taabanaysa amniga qaranka, isla markaana madaxda dowladu ay dhegaha ka xirteen tallooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles