Jubbaland oo si kulul ugu eedeysay Villa Soomaaliya weerarrada ka socda Beledxaavo iyo Doolow

Maamulka  Jubbaland ayaa warsaxaafadeed si adag uga soo saartay dagaallada isdaba-joogga ah ee ka socda degmada Beledxaawo iyo deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, iyada oo si toos ah ugu eedeysay Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, in uu abaabulay weerarro lagu wiiqayo xasiloonida Jubbaland.

Jubbaland waxay sheegtay in ciidamo federaal ah oo ku sugan xerada UK ee duleedka Beledxaawo ay dhowr jeer weerarro ku qaadeen magaalada, iyadoo la adeegsanayo diyaarado dagaal iyo hub culus, taas oo sababtay barakac, burbur hantiyadeed, iyo cabsi xooggan oo ka dhalatay magaalada. Maamulka ayaa tilmaamay in weerarradan ay yihiin qorshe siyaasadeed oo loogu dan leeyahay carqaladeynta Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamo kale oo amaro ka hela Villa Somalia ay sidoo kale xalay weerar ku qaadeen xarumaha ciidamada Jubbaland ee magaalada Doolow, taas oo sii hurisay colaadaha gobolka.

Jubbaland waxay ku eedeysay Villa Somalia in ay dagaalka u wajahday si la mid ah Al-Shabaab, iyada oo si gaar ah u tilmaantay in weerarkii Maxaas ee Al-Shabaab ay la wareegeen uu muujinayo halista siyaasadeed ee ka dhalan karta hab-dhaqanka dowladda Federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu ka go’an yahay difaaca shacabka iyo dhulka Jubbaland, isla markaana uu diyaar u yahay in uu iska caabiyo qorshe kasta oo xasiloonida deegaanka wax u dhimi kara.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles