Jubbaland oo xukun dil toogasho ah ku fulisay 2 ruux oo lagu eedeeyey inay horay dilal u geysteen.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in horey dilal ugu geesteen labo qof oo kale oo shacab ahaa.

Fagaare kuyaalla magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu toogtay Yaasiin Cusmaan Colow oo horay u dilay Marxuum Muxiyadiin Cabdi Xassan iyo Dable Maxamed Cabdullaahi Siciid oo isna horay u dilay Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax.

Ehelada marxuumiinta horey u dileen raggan maanta la toogtay ayaa soo dhaweeyay xukunka qisaasta ah ee lagu filay gacankudhiiglayaasha, waxa ayna sheegeen in maanta heleen caddaaladii ay muddo raadinayeen.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan xukunno dilal ah ku fuliyay rag lagu helay in ay dilal u geesteen dad shacab ah iyo askar kale, waxa ay sidoo kale xukunno dil ah ku fuliyeen xubno iyana katirsanaa kooxda Al Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles