Tuesday, July 1, 2025

Kenya oo ciidamo dhigtay wadooyinka iyo Banaanbax maanta lagu wado inuu dhaco

Dalka Kenya ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo kacsan maanta, iyadoo in ka badan hal milyan muwaadiniin ah ay isu diyaariyeen inay ka qaybqaataan banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dawladda, gaar ahaan canshuuraha cusub ee lagu soo rogay shacabka.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa muujiyay cabsi iyo walaac xoogan oo ku aaddan mudaharaadyada rabshadaha wata ee maanta ka dhacaya guud ahaan dalkaasi, kuwaasoo looga soo horjeedo isbeddelka lagu wado in lagu sameeyo canshuuraha cusub ee dawladda Kenya.

Mudaaharaadyadan oo ay hormuud u yihiin dhalinyarada ka tirsan dhaqdhaqaaqa Generation Z, ayaa la filayaa inay si weyn uga dhacaan magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Mombasa, Kisumu iyo Eldoret. Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah bannaanbaxyadii hore ay isku beddeleen rabshado sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, taasoo keentay in ganacsatada iyo dad badan oo ajnabi ah ay dareemaan halis.

Dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga iyo nolol raadinta u jooga dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, ayaa ka digay in xiisadaha ka dhasha mudaharaadyada ay si gaar ah u saameyn karaan. Qaar ka mid ah jaaliyadda ayaa sheegay iney ku jiraan cabsi laga yaabo in lagu eedeeyo ama ay la kulmaan weerarro la beegsado, maadaama ay yihiin qowmiyad ajnabi ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah si loo sugo nabadgelyada intii lagu guda jiro mudaharaadyada. Ciidamada booliska iyo ammaanka ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn, iyadoo laga cabsi qabo in mudaaharaadyadu isu beddelaan rabshado sida dhacday maalmo ka hor.

WARARKII KALE

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles