Monday, March 30, 2026

KGS oo Madaxda DFS ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab

Maamulka Koofur Galbeed ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “marin-habaabin iyo dacaayado”ka imaanaysa Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay sheegtay in ay halis ku yihiin xasilloonida iyo midnimada dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale walaac xooggan looga muujiyay heshiisyo qarsoodi iyp wada shaqayn uu maamulka Koonfur Galbeed sheegay inuu ka dhexeeyo dowladda federaalka iyo kooxda Al-Shabaab.

Eedeyntan oo ah culus ayaa lagu sheegay inay khatar ku tahay amniga qaranka iyo badqabka shacabka.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay arrintaas u aragtaa mid khatar toos ah ku ah amniga qaranka, midnimada dalka, iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay jiraan caddeymo muujinaya isku milan iyo wada-shaqeyn dhinaca saraakiisha iyo agabka militari ah, inkasta oo maamulka Koonfur Galbeed uusan soo bandhigin caddeymaha lagu xaqiijinayo eedeyntaas.

Warkan kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa kusoo aaday, iyadoo Dowladda Federaalka ay ku eedeysay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ee Maamulkaas inay si dadban u taageereen ama u dhiirrigeliyeen kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la Magacaabay

Madaxweynihii xilka laga tuuray laftagareen ayaa inta uusan ka...

MW Laftagreen oo Iska casilay Xilka MW Maamulkaasi ka dib markii maanta lagala wareegay Magaaladda Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (DGKS), Mudane Cabdicasiis...

Lafta gareen oo ka safray Baydhabo

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada...

DFS oo ka hadashay xaalada ka taagan Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo ay ku...

RW Xamsa oo magacaabay wasiiro Cusub

Ra’iisul Wasaaruhu markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles