Sunday, July 26, 2026

DFS oo ka hadashay xaalada ka taagan Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo ay ku howlaneyd sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha ka jira Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo dadaal xooggan u galisay sidii shacabka deegaankaasi ay u heli lahaayeen nabad iyo xasillooni.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu xusay in caqabado ka dhashay tallaabooyin siyaasadeed oo uu qaaday maamulkii hore ay keeneen xiisado saameeyay deegaanka, balse hadda ay muuqato rajo ku aaddan soo afjaridda khilaafaadkaasi.

Dowladdu waxay tilmaantay in shacabka reer Koonfur Galbeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda ay door muuqda ka qaateen dejinta xaaladda, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ee maamulkaasi.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha ammaanka ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, iyagoo ka jawaabaya baahida shacabka iyo sugidda amniga guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Koonfur Galbeed inay taageeraan ciidamada, isla markaana ka fogaadaan falal wax u dhimaya nabadda iyo wadajirka bulshada.

Ugu dambeyn, DFS waxay xaqiijisay inay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dowlad wanaagga.

WARARKII KALE

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay...

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles