Sunday, July 26, 2026

Lafta gareen oo ka safray Baydhabo

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne Lafta gareen uu ka safray magaalada Baydhabo, kadib markii la sheegay inuu fashilmay wadahadalo saacado qaatay oo socday isaga iyo dowladda Soomaaliya.

Ma halka rasmiga ah uu aaday Lafta gareen, balse wararka ayaa sheegaya inuu Lafta gareen tagi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Saciid Fiqi ayaa isna la sheegay inuu raacay Lafta gareen.

Xogta ayaa sheegaysa in Kusimaha MW Koofur Galbeed uu sii ahaan doono Wasiirka Maaliyadda Wasiir Axmed Maxamed Xuseen, maadaaama Cali Saciid Fiqi loo diiday inuu si Haye noqdo.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in wafuud ka socda dowladda Soomaaliya ay gaari doonaan magaalada Baydhabo, si wadahadalo ay halkaasi ugu billowdaan.

WARARKII KALE

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay...

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles