Tuesday, March 3, 2026

Kheyre oo cambaareeyay cabsigelinta lagu hayo shacabka degan degmada Kaxda

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo soo saaray qoraal ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay cabsigelinta lagu hayo shacabka degan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale Kheyre ayaa waxaa qoraalkiisa uu ku sheegay”Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda.”

Waxaa uu sidoo kale qoraalkiisa uu ku soo gabagabeeyay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre” Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles