Sunday, April 12, 2026

Koofur Galbeed oo diiday ka qeyb galka Tartanka Ciyaaraha dalka”

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee  Koofur Galbeed, oo kaashanaysa Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed, ayaa si rasmi ah u shaacisay in Xulka Kubadda Cagta ee  Koofur Galbeed uusan ka qeybgali doonin tartanka ciyaareed ee la qorsheeyay in ay ka qeyb galaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa lagu sababeeyay dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin in aan weli laga wada hadlin, isla markaana aan xal rasmi ah loo helin tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii horay loo gaarsiiyay ciyaartooyda Koofur Galbeed, iyadoo aan la bixin wax garawshiyo ama cadaalad ah oo arrimahaasi la xiriira.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in waqtiga la shaaciyay ee tartanka uusan ahayn mid ku habboon, ayna jirto baahi loo qabo tashi guud iyo wada-xaajood dhammaystiran oo lagu saleeyo hannaanka tartanka, si loo helo is-afgarad buuxa.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay inay mar walba ka go’an tahay horumarinta isboortiga, dhiirrigelinta dhallinyarada, iyo ka qeybgalka tartamada mustaqbalka, balse ay muhiim tahay in tartamadaasi ku dhisnaadaan nidaam sax ah, isla-xisaabtan, cadaalad iyo wada-ogolaansho.

Ugu dambeyn, masuuliyiintu waxay caddeeyeen in Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay ka qeybgalka tartan kasta oo lagu dhisayo hufnaan, ixtiraam iyo sinnaanta dhammaan dhinacyada ka qeybgalaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles