Wednesday, September 3, 2025

Koox hubeysan oo weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku bilowday rasaas culus ku qaaday Warshadda Birta ee ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay degganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama hay’adaha ammaanka.

Warshadda Birta oo ka mid ah dhismayaasha muhiimka ah ee ku yaalla Dayniile, ayaa la sheegay in ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee deganaa, kaddib markii ay dowladda la wareegtay dhulkaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in xalay ay ahayd “habeen cabsi badan”, isagoo intaas ku daray:

“Rasaas culus ayaa bilaabatay abaare 3:00 fiidnimo, waxaana dareenay in cabsi badan, dhulka la weeraray waxaa deganaa dad shacab ah oo laga barakiciyay, saaka xaalada way degan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles