Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay, iiyo DFS oo taageertay

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay martigelisay munaasabad taariikhi ah oo lagu saxiixay Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay kadib saxiixa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Munaasabadda lagu ansixiyay dastuurkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin heer federaal ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), kaas oo si weyn u bogaadiyay tallaabadan, kuna tilmaamay “heshiis bulsho oo udub dhexaad u ah dowlad-dhis la mahadiyo.”

Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhigayaa in maamulka uu aqoonsan yahay jiritaanka Puntland, balse uusan aqoonsaneyn Somaliland, taas oo muujinaysa mowqif siyaasadeed oo si cad u qeexan.

Dastuurku sidoo kale waxa uu sheegaya in maamulka uu xukumo dhul gaaraya 200 mayl oo badeed, isla markaana uu yahay maamul furan oo u diyaar ah in lagu soo biiro.

Qorshaha Xiga ee Maamulka Cusub ayaa ah In la qabto doorashada Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari, taas oo noqon doonta tallaabada koowaad ee dhismaha hay’ado sharci-dejin rasmi ah.

Doorashada Madaxweynaha maamulka, oo dhici doonta kadib marka la dhiso baarlamaanka, si loo helo hoggaan rasmi ah oo loo dhan yahay.

Dhismayaal dowladeed iyo hay’ado adeeg, si loo bilaabo bixinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo ammaanka.

Qorshe la xiriira la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in maamulka yeesho xiriir sharci ah oo ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha dowladda dhexe.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa sheegay in maamulka cusub uu noqon doono “mid nabad ku dhisan, siyaasaddiisuna tahay mid lagu dhisayo heshiis iyo wada-tashi.”

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa loo arkaa mid ku imaanaya xilli xasaasi ah oo ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo is-bedbedel dhinaca maamulka ah gobollada waqooyi ee dalka, iyadoo dad badan ay arrintan ku tilmaamayaan fursad lagu hagaajin karo ka qaybgalka siyaasadeed iyo horumarinta bulshada gobolka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles