Wednesday, April 29, 2026

Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay, iiyo DFS oo taageertay

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay martigelisay munaasabad taariikhi ah oo lagu saxiixay Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay kadib saxiixa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Munaasabadda lagu ansixiyay dastuurkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin heer federaal ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), kaas oo si weyn u bogaadiyay tallaabadan, kuna tilmaamay “heshiis bulsho oo udub dhexaad u ah dowlad-dhis la mahadiyo.”

Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhigayaa in maamulka uu aqoonsan yahay jiritaanka Puntland, balse uusan aqoonsaneyn Somaliland, taas oo muujinaysa mowqif siyaasadeed oo si cad u qeexan.

Dastuurku sidoo kale waxa uu sheegaya in maamulka uu xukumo dhul gaaraya 200 mayl oo badeed, isla markaana uu yahay maamul furan oo u diyaar ah in lagu soo biiro.

Qorshaha Xiga ee Maamulka Cusub ayaa ah In la qabto doorashada Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari, taas oo noqon doonta tallaabada koowaad ee dhismaha hay’ado sharci-dejin rasmi ah.

Doorashada Madaxweynaha maamulka, oo dhici doonta kadib marka la dhiso baarlamaanka, si loo helo hoggaan rasmi ah oo loo dhan yahay.

Dhismayaal dowladeed iyo hay’ado adeeg, si loo bilaabo bixinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo ammaanka.

Qorshe la xiriira la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in maamulka yeesho xiriir sharci ah oo ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha dowladda dhexe.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa sheegay in maamulka cusub uu noqon doono “mid nabad ku dhisan, siyaasaddiisuna tahay mid lagu dhisayo heshiis iyo wada-tashi.”

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa loo arkaa mid ku imaanaya xilli xasaasi ah oo ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo is-bedbedel dhinaca maamulka ah gobollada waqooyi ee dalka, iyadoo dad badan ay arrintan ku tilmaamayaan fursad lagu hagaajin karo ka qaybgalka siyaasadeed iyo horumarinta bulshada gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles