Saturday, August 8, 2026

Uganda oo xaqiijisay in Xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Hoose

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Uganda Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada milateriga Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ayaa si wadajir ah u fuliyey howlgal qorsheysan oo milatari, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, oo qiyaastii 50km u jirta caasimadda Muqdisho dhanka koonfur-galbeed.

Weerarkan milatari wuxuu qeyb ka yahay howlgallo ballaaran oo socda gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo diiradda lagu saaray in Al-Shabaab laga saaro magaalooyinka Bariire, Sabiid, Anole, iyo Awdheegle, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda.

Intii lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 50 dagaalameyaal oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la dilay, waxaana ka mid ahaa saddex sarkaal oo muhiim ah:

1.Mohammed Abdallah – Khabiir ku takhasusay hubka lidka taangiyada

2.Sadam Ibrahim – Khabiir ku xeel dheer qaraxyada nooca IED

3.Abas – Taliyaha ciidanka lugta ee kooxda

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaalku wali uu socdo, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Bariire, kuna howlan yihiin sifeynta deegaanka si loo sugo amniga buuxa, loona ciribtiro dagaalyahanada haray.

Dowladda Uganda waxay si adag u beenisay warar ay faafiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab, kuwaas oo sheegaya khasaare xooggan oo gaaray ciidamada huwanta. Uganda waxay ku tilmaantay wararkaas “borobagaando aan sal iyo raad lahayn.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles