kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta soo gabagabeeyay safar shaqo oo laba maalmood qaatay oo uu ku joogay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay wada-hadalladii uu la yeeshay hoggaanka Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye , kuwaas oo Xukuumadda DanQaran ay xoogga ku saartay sidii deegaannada Galmudug uga dhici lahayd doorasho nabdoon, si looga fogaado wax kasta oo dib-u-dhac ku keeni kara horumarka la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi ku bogaadiyay go’aannadii uu shaaciyay ee ku saabsanaa qabsoomidda doorashada qof iyo cod, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in doorashadaas uu qabto, kadibna si xilkasnimo iyo nabadgelyo leh ugu wareejiyo xilka cidda ku guuleysata.

Ka hor inta uusan ka ambabixin Dhuusamareeb, Mudane Xamsa ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta Galmudug ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo si weyn u muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado dowlad-dhiska Galmudug, lana xoojiyo dhaqanka wanaagsan ee isu wareejinta xukunka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye , iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles