Wednesday, March 4, 2026

Kulankii Golaha Shacabka oo Maanta kooram la’aan u baaqday iyo digniin loo diray xildhibaanada

Kulanka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan,  waxaana soo xaadiray 87 xildhibaan oo kaliya, iyadoo kooramka kulanka uu ahaa in fadhiga soo xaadiraan ugu yaraan 139 mudane, inkastoo xildhibaanada maalmihii ugu dambeeyay ay fasax ku maqnaayeen.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow,ayaa ugu baaqay Xildhibaanada maqnaa  ee aan soo xaadirin kulankii maanta iney xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay waqti hore soo xaadiraan fadhiyada si Goluhu go’aano uga gaaraan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

“Waxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha Shacabka sababo la xiriira maqnaanshaha Xildhibaano aan muujin xilkasnimo, waxaan mar kale ugu baaqayaa dhamaan Xildhibaanada aan joogin eek u maqan dalka dibadiisa in ay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, ayna waajibaadkooda gutaan oo ay si joogto ah uga soo qeybgalaan fadhiyada Golaha” ayuu yiri Guddoomiye Abshirow.

Wuxuu sidoo kale sheegay Guddoomiye Abshorow in haddii xildhibaanada aanay kulanka ka soo qayb gelin Arbacada, ay yeerin doonaa, si loo ogaado xildhibaanada fadhiyada ka maqan.

Ajandaha maanta ee kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad iyo codeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ayaa imaanaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale ay u baaqdeen kulamada Golaha Shacabka kooramkii loo baahnaa inuu ku furmo.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles