Monday, August 17, 2026

Kulankii Golaha Shacabka oo Maanta kooram laโ€™aan u baaqday iyo digniin loo diray xildhibaanada

Kulanka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram laโ€™aan, ย waxaana soo xaadiray 87 xildhibaan oo kaliya, iyadoo kooramka kulanka uu ahaa in fadhiga soo xaadiraan ugu yaraan 139 mudane, inkastoo xildhibaanada maalmihii ugu dambeeyay ay fasax ku maqnaayeen.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow,ayaa ugu baaqay Xildhibaanada maqnaa ย ee aan soo xaadirin kulankii maanta iney xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay waqti hore soo xaadiraan fadhiyada si Goluhu goโ€™aano uga gaaraan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

โ€œWaxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha Shacabka sababo la xiriira maqnaanshaha Xildhibaano aan muujin xilkasnimo, waxaan mar kale ugu baaqayaa dhamaan Xildhibaanada aan joogin eek u maqan dalka dibadiisa in ay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, ayna waajibaadkooda gutaan oo ay si joogto ah uga soo qeybgalaan fadhiyada Golahaโ€ ayuu yiri Guddoomiye Abshirow.

Wuxuu sidoo kale sheegay Guddoomiye Abshorow in haddii xildhibaanada aanay kulanka ka soo qayb gelin Arbacada, ay yeerin doonaa, si loo ogaado xildhibaanada fadhiyada ka maqan.

Ajandaha maanta ee kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad iyo codeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ayaa imaanaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale ay u baaqdeen kulamada Golaha Shacabka kooramkii loo baahnaa inuu ku furmo.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

DFS oo war ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles