Laascaanood oo gashay marxalad loolan siyaasadeed cusub iyo Firdhiye iyo Cabdirashiid Abwaan oo kulamo bilaabay

Kulamo siyaasadeed ayaa ka bilowday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaasi oo ay wadaan siyaasiyiinta musharixiinta madaxtinimada ee maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye iyo siyaasiga caanka ah Cabdirashiid Abwaan ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay xildhibaannada cusub ee maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya, kuwaas oo dhowaan lagu dhaariyey magaalada Laascaanood.

Kulankan oo lagu tilmaamay mid muhiim ah ayaa loo arkaa bilowga ololaha siyaasadeed ee madaxtinimada maamulka cusub, iyadoo labada musharrax ay si cad u muujinayaan damacooda hoggaamineed.

Maalmaha soo socda, Laascaanood waxaa ka billowday loolan siyaasadeed iyo kala jiidasho xooggan oo u dhexeeya musharraxiinta u taagan Guddoonka Baarlamaanka iyo xilka Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliya, taas oo xiisaha siyaasadeed ee magaalada sii kordhisay.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa sheegay in si rasmi ah uu furmay loolanka siyaasadeed ee maamulka cusub, isagoo xildhibaannada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka bulshada gobolka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles