Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Cabdiasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Baydhabo, kadib maalmo uu ka maqnaa, xilli uu sii xoogeystay khilaafka kala dhexeeya Somalia dowladdeeda federaalka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Laftagareen uu xalay ku hoyday qaybo kamid ah Itoobiya, halkaas oo la rumeysan yahay inuu kula yeeshay wadahadallo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Laftagareen iyo dhinaca Itoobiya ay gaareen is-afgarad, arrintaas oo la sheegay inay culeys siyaasadeed ku noqon karto dowladda Federaalka.
Soo laabashada Laftagareen ayaa ku soo beegmeysa xilli deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay ka jiraan diidmo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo. Waxaa sidoo kale socda abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ka jira qaar kamid ah deegaanada maamulkaas.
Wararka ayaa sheegaya in marka uu gaaro Baydhabo uu Laftagareen si cad u muujin doono mowqifka maamulka KGS ee ku aaddan dowladda Federaalka oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuur, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo xooggan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Laftagareen awooddiisa siyaasadeed uu ku tiirsanayo laba qodob oo muhiim ah: midda koowaad waa gacan-ku-haynta amniga magaalada Baydhabo oo ah xarunta Koonfur Galbeed, halka midda labaadna ay tahay xiriirka iyo taageerada uu ka helo Itoobiya, taas oo qeyb ka ah xisaabaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka.
Xiisadda ayaa sii kordheysa xilli xalay magaalada Baydhabo uu ka dhacay iska horimaad kooban oo u dhexeeyay ciidamada KGS iyo maleeshiyaad hubeysan.
Dhanka kale, masuuliyiinta maamulka ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay arrimaha doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo, iyadoo maamulka uu dadaal ku bixinayo xoojinta xiriirka uu la leeyahay odayaasha dhaqanka.
Xaaladda Koofur Galbeed ayaa sii murugsan, iyadoo xiisadda siyaasadeed ay ka dhalatay muran la xiriira doorashada maamulka oo muddo dhaaftay, taas oo sidoo kale iftiimisay khilaaf cusub oo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Laftagareen.


