Xafiiska Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si adag ugu cambaareeyay duqeymo cirka ah oo maamulka sheegay in loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo nawaaxiga magaalada Baydhabo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay ku lug lahaayeen laba nin oo Turki ah iyo hal Soomaali ah, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay inuu hayo xog ku saabsan qofka bixiyay amarka lagu fuliyay duqeymaha.
Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka ahayd duqeymaha, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin nooca tallaabada la qaadi doono.
Maamulka ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday hoyga Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ee degmada Doolow, iyo duqeyntii maanta oo Jimce ah ka dhacday nawaaxiga magaalada Baydhabo.
Koonfur Galbeed ayaa ku eedeysay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si gardarro ah ugu soo galeen deegaannada maamulka, iyadoo sheegtay in duqeyntii Doolow loo adeegsaday qorshe lagu doonayay in lagu khaarijiyo Taliye Mahad Cabdiraxmaan.
War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo iyo gobolka Gedo.
Ilaa hadda, eedeymaha ku saabsan cidda fulisay duqeymaha iyo dadka lagu sheegay inay ku lug lahaayeen ma helin xaqiijin madax-bannaan


