Sunday, July 12, 2026

Maalintii Labaad oo Xiran Suuqyada Boosaaso iyo Muran ka taagan Canshuuraha Cusub ee Dekedda

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah xiran suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, iyadoo uu weli taagan yahay muran ka dhashay canshuuraha iyo khidmadaha cusub ee lagu soo rogay Dekedda Boosaaso.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska Puntland saaka la geeyay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga, xilli la filayo in maanta uu kulan dhex maro maamulka Puntland iyo ganacsatada si xal loogu raadiyo khilaafka taagan.

Ganacsatada ayaa xiray suuqyadooda iyagoo ka cabanaya canshuuraha iyo khidmadaha cusub ee ay sheegeen inay soo rogeen maamulka Puntland iyo shirkadda DP World oo maamusha Dekedda Boosaaso. Waxay sheegeen in khidmadahaasi ay culays ku yihiin ganacsiga, isla markaana ay sare u qaadi doonaan qiimaha badeecadaha ay shacabka isticmaalaan.

Xirnaanshaha Dekedda Boosaaso ayaa si weyn u saameeyay isu socodka badeecadaha, maadaama ay tahay marin ganacsi oo muhiim u ah Puntland, lagana soo dejiyo raashin, shidaal, dawooyin, qalabka dhismaha iyo badeecooyin kale oo gaara deegaanno ka tirsan Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale, tobannaan gaadiid xamuul ah ayaa ku xayiran hareeraha dekedda, halka maraakiib iyo doonyo ganacsi ay weli sugayaan in laga dejiyo shixnadahooda, iyadoo muranka u dhexeeya ganacsatada, maamulka Puntland iyo shirkadda DP World uusan weli xal rasmi ah gaarin.

WARARKII KALE

Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Turkiga iyo Britain oo lagu tilmaamay Furaha Xasilloonida Soomaaliya

Kulan ka dhacay Baarlamaanka Boqortooyada Midowday (UK) ayaa lagu...

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa...

Iiraan oo sheegtay in ay weerartay saldhigga cirka Maraykanka ee Qadar

Ku simaha Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan uu soo saaray...

Maraykanka iyo Iiraan oo sii Kordhiyay Weerarrada iyo xiisada oo kacaan

Weerarrada cirka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof

Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles