Maamulka SSC Khaatumo oo magac cusub la baxay

WAR-SAXAAFADEED

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa shir guddoomiyey kulankii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada.

Ugu horrayn guddi hoosaadyada golaha ayaa ka warbixiyey xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Sidoo kale golaha ayaa go’aamiyey in maanta wixii ka dambeeyey magaca maamulka KMG SSC-Khaatumo loo bedelay DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO EE SOOMAALIYA.

Si waafaqsan axdiga ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaasoo faraya in muddo labo sano ah ka laga guuri doono KMG oo la noqon doono dawlad goboleed dhammaystiran.

Sidoo kale waxaa guulaystay dhammaan dedaalladii xukuumaddu ugu jirtay dhammaystirka.

Ugu dambayn safarkii Socdaalmidnimo ee Raysal Wasaaraha xukuumadda Danqaran ku timi deegaanka SSC-Khaatumo, si buuxda loogu dhawaaqay Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.

Sidaas darteed goluhu waxa uu go’aamiyey in magaca saxda ahi noqdo DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO, dhanka kale goluhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda in ay isticmaalaan magaca cusub ee dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.

-DHAMMAAD-

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles