Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u soo dhoweysay jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan iyo Soohdimaha Qaranka, isla markaana ay u aragto mid waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in hirgelinta doorashooyin ku qabsooma jawi nabadgelyo leh, xor ah oo hufan ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo dimuqraadiyadda, xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha hay’adaha qaranka. Sidaas awgeed, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay gacan ka geystaan qabsoomidda doorashooyin ku dhisan nidaamka qaran.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay digniin u dirtay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Puntland ee ku kacaya hadallo ama falal loo arko faragelin ama xadgudub ku saabsan deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, iyadoo xustay in arrimaha la xiriira doorashooyinka ay yihiin kuwo u gaar ah hay’adaha sharciyeysan ee loo igmaday fulintooda.

Dowladda Waqooyi Bari ayaa ku baaqday wada-shaqeyn, is-ixtiraam, xasillooni iyo ilaalinta midnimada bulshada, si geeddi-socodka doorashooyinku ugu qabsoomo si nabdoon, hufan, isla markaana ay u muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo mas’uuliyad qaran.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles