Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u soo dhoweysay jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan iyo Soohdimaha Qaranka, isla markaana ay u aragto mid waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in hirgelinta doorashooyin ku qabsooma jawi nabadgelyo leh, xor ah oo hufan ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo dimuqraadiyadda, xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha hay’adaha qaranka. Sidaas awgeed, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay gacan ka geystaan qabsoomidda doorashooyin ku dhisan nidaamka qaran.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay digniin u dirtay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Puntland ee ku kacaya hadallo ama falal loo arko faragelin ama xadgudub ku saabsan deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, iyadoo xustay in arrimaha la xiriira doorashooyinka ay yihiin kuwo u gaar ah hay’adaha sharciyeysan ee loo igmaday fulintooda.

Dowladda Waqooyi Bari ayaa ku baaqday wada-shaqeyn, is-ixtiraam, xasillooni iyo ilaalinta midnimada bulshada, si geeddi-socodka doorashooyinku ugu qabsoomo si nabdoon, hufan, isla markaana ay u muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo mas’uuliyad qaran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles