Madasha Mucaaradka oo eed culus u jeedisay Madaxtooyada

Madasha Mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed (M.S.S) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay xarig iyo afduub ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo lagu hayo saddex haween Soomaali ah, kuwaas oo ay sheegeen in muddo 10 cisho ah ku xiran yihiin saldhigga degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.

Haweenkaas ayaa lagu kala magacaabay:

1. Marwo Samsam Cumar Cali

2. Marwo Xabiiba Cabdi Cali

3. Marwo Kaaxo Xasan Jimcaale

 

Madasha ayaa sheegtay in haweenkan la xiray kadib markii ay diideen barakicin iyo dhul-boob ka socday deegaanka Suuqa Siinaay, halkaas oo ay dowladda iyo kooxo hubeysan la sheegay in ay doonayeen in si khasab ah dhul looga raro dad shacab ah.

Warsaxaafadeedka ay soo saartay Madasha ayaa lagu sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in muddada xabsigooda lagu kordhiyo 45 cisho oo kale, taas oo ay ku tilmaameen “awood sheegasho iyo dulmi ka dhan ah xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

Madasha Samatabixinta ayaa ku baaqday in haweenkan si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo sii daayo, iyadoo xusuusisay hay’adaha amniga iyo garsoorka in ay ku xiran yihiin waajibaad dastuuriga ah oo ay ku ilaaliyaan xuquuqda shacabka, halkii ay u adeegayaan danaha gaarka ah ee madaxda dowladda.

“Waxaa nasiib-darro weyn ah in hay’adihii nabad-gelyada iyo garsoorka ee looga baahnaa in ay muwaadiniinta u caddaalad falaan ay maanta u adeegayaan danaha shakhsiyaad garab ka helaya madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxtooyada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ugu baaqday bulshada rayidka, ururrada xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka in ay si dhow ula socdaan xaaladda haweenkan, isla markaana cadaadis ku saaraan dowladda si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo dastuurka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles