Madaxii Drones-ka ee Daacish oo lagu dilay Buuraleyda Cali-miskaad ee G/Bari

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Buuraleyda Cali-miskaad lagu dilay madaxii Darooniska ee firxadka argagixisada ISIS.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanada Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee Buuraha Calmiskaad,ciidanka ayaana kuwajahan labo kamid ah goobaha ay isku aruursanayaan argagixisada Daacish.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay saanad ciidan iyo talisyo ay lahaayeen maleeshiyaadka ISIS.

“Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee hawlgalka ka wada buuralayda Calmiskaad ayaa maanta diley Madixii Daroonnada Qarxa iyo Miinooyinka ee firxadka Argagixisada Daacish ee deegaannada Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, Ciidanka ayaa cagta mariyey talisyo ay ku dhuumanayeen Argagixisada iyagoo gacanta ku dhigay hub , Drones iyo agabkale”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles