Madaxii Drones-ka ee Daacish oo lagu dilay Buuraleyda Cali-miskaad ee G/Bari

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Buuraleyda Cali-miskaad lagu dilay madaxii Darooniska ee firxadka argagixisada ISIS.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanada Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee Buuraha Calmiskaad,ciidanka ayaana kuwajahan labo kamid ah goobaha ay isku aruursanayaan argagixisada Daacish.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay saanad ciidan iyo talisyo ay lahaayeen maleeshiyaadka ISIS.

“Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee hawlgalka ka wada buuralayda Calmiskaad ayaa maanta diley Madixii Daroonnada Qarxa iyo Miinooyinka ee firxadka Argagixisada Daacish ee deegaannada Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, Ciidanka ayaa cagta mariyey talisyo ay ku dhuumanayeen Argagixisada iyagoo gacanta ku dhigay hub , Drones iyo agabkale”.

WARARKII KALE

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

Soomaaliya iyo dalal kale oo cambaareeyay tallaabo ay qaaday Colombia

Soomaaliya iyo 18 dal oo kale ayaa si wadajir...

Maraykanka oo war ka soo saaray marinka Hormuz

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in “inta ugu badan” weerarrada...

Garyaqaanka Guud oo Baarlamaanka ka dalbaday inuu ka jawaabo dacwadda ka dhanka ah Dastuurka cusub

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles