Thursday, March 12, 2026

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo si xeel dheer loo abaabulay ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobo ay si dhuumaaleysi ah uga howlgali jireen.

Waxaa dadka la dilay ka mid ahaa madaxii miinooyinka ee Khawaarijta u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ah guul muhiim ah oo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah.

Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu burburiyay xarumo iyo godad ay kooxda Khawaarijta ku dhuumanayeen, kuwaas oo muhiim u ahaa qorshayaashooda qaraxyo iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles