Tuesday, March 3, 2026

Madaxwaynaha Suuriya oo digniin u diray Israa’iil

Khudbad uu ka jeediyay golaha loo dhan yahay, madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Ahmad al-Sharaa, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay garab istaagaan Suuriya, isagoo ka digay “isku dayga Israa’iil ee ay ku doonayso inay ku waxyeeleyso ammaanka Suuriya…taasoo gobolka u soo horseedaysa isku dhacyo cusub oo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan.”

Al-Sharaa waxa uu tilmaamay in “xanuunka uu dalkiisa soo maray uu yahay mid aanan cidna uusan u rajaynayn”, isagoo caddeeyay in Suuriya ay taageerto dadka Gaza iyo dalalka kale ee dagaalka ku soo wajahan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda.

Shara waxaa uu ballan qaaday in ay cadaaladda la horkeeni doonto “qof kasta oo gacmihiisa ay ku yaallan dhiigga dadka aan waxba galabsanin,” waxaa uuna ku nuuxnuuxsaday in Suuriya, ka dib markii xilka laga tuuray madaxwaynihii hore, uu iska badalay dal colaadeed islamarkana uu noqday “fursad taariikhi ah oo lagu soo dabaalo xasilooni, nabad iyo barwaaqo Suuriya iyo gobolka oo dhan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles