Wednesday, March 4, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle kormeeray furimaha ay ku sugan yihiin xaq-u-dirirka deegaanka iyo ciidamada qalabka-sida

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa kormeeray dhammaan furimaha ay ku sugan yihiin xaq-u-dirirka deegaanka iyo ciidamada qalabka-sida.

Saraakiisha kala duwan ee ciidamada hoggaamineyso ayuu kulamo gaar gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha waxana ay la wadaageen farsamo ahaan iyo qaabka uu noqonayo howlgalka cusub ee lagu wajahayo AS.

Goobaha uu booqday Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka mid ah deegaanka War-gaadhi oo qeyb ka ah meelaha lagu wiiqay cududda AS, waxana uu guubaabiyey halganka saraakiisha iyo ciidamadii goobta joogay.

Toddobaadyada soo socda guluf-ka mideysan ayaa soo af-jari doono howlgalka dabar-goynta AS ee soo biloowday bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

“Xaq-u-dirirka shacabka Hirshabeelle ee ku kala sugan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo ciidamada Qalabka Sida, waxay muujiyeen diiwaan ku cusub Soomaaliya mana jirto awood tan la mid ah oo taariikhda AS ku qabsatay dagaalka. Hirshabeelle waa ay ka gudbi doontaa waqtigan adag waxana ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida oo dhan.”

Gunaanudkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Hirshabeelle, geesiyaasha nafta-u-huray iyo kuwa ku dhawaacmay dagaalka xaqa ah, waxana uu ugu baaqay in niyad-wanaag iyo wadajir lagu wajaho dagaalka AS looga saarayo dalka.

 

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles