Monday, January 26, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Daah-Furay Mashruuca dhallinyarada iyo Nabadda

Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.

Mashruucu wuxuu dhallinyarada Jowhar ku xoojinayaa doorkooda nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah sida dhulka iyo biyaha waxana iska kaashanayo Dowladda Soomaaliya, Hirshabeelle, IOM iyo FAO.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabeelle fursad-siinta dhallinyarada iyo sida ay maamulkiisa uga muuqdaan.

“Dhallinyarada waa awoodda Hirshabeelle waxana ay sabab u yihiin halganka, nabadda iyo horumarka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Wasiir Maxamed Barre u-qareemida dhallinyarada iyo soo gaaristiisa Hirshabeelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles