Saturday, January 31, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta caasimada Jowhar waxaana lagu gorfeeyay bilicda, dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaallaha, dib u dhiska, isku-xirka shacabka iyo Dowladda iyo sidii loogu wacyigelin lahaa Dowlad-wanaaga.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay masuuliyiinta kuwaas oo ku aadan shaqooyinka ay iminka hayaan iyo caqabadaha jiro.

“Olole weyn ayaan u qaadeynaa Jowhar waa lagama maarmaan inay noqoto caasimad ay wax walba u dhan yihiin, toddobaadyada soo socda isbeddel weyn oo amniga, bilicda, dhismaha, Waddooyinka iyo Adeegyada Bulshada ayaad ku arki doontaan haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Jowhar in la hirgeliyo qoddobadii shirka lagu gaaray.

WARARKII KALE

Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa saaka garoonka...

Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho

Wafuud horudhac u ah madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan dowlad deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan...

Hindiye oo markale garab istaag u muujisay Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo soo wajahday Dhaqaalo xumo baahsan

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hay’adda ay halis...

Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Sarreeye Guuto Elio Manes ayaa si rasmi ah u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles