Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta caasimada Jowhar waxaana lagu gorfeeyay bilicda, dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaallaha, dib u dhiska, isku-xirka shacabka iyo Dowladda iyo sidii loogu wacyigelin lahaa Dowlad-wanaaga.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay masuuliyiinta kuwaas oo ku aadan shaqooyinka ay iminka hayaan iyo caqabadaha jiro.

“Olole weyn ayaan u qaadeynaa Jowhar waa lagama maarmaan inay noqoto caasimad ay wax walba u dhan yihiin, toddobaadyada soo socda isbeddel weyn oo amniga, bilicda, dhismaha, Waddooyinka iyo Adeegyada Bulshada ayaad ku arki doontaan haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Jowhar in la hirgeliyo qoddobadii shirka lagu gaaray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles