Thursday, December 25, 2025

Madaxweynaha hirshabelle oo bogaadiyay curashada doorasho qof iyo qod ah ee gobolka banaadir

Maanta waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareeray qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah tii ugu horreysay ee noocan ah ee Gobalka Benaadir ka dhacda tan iyo sannadkii 1969-kii, taasoo la micno ah in muddo 56-sanno ah kadib ay shacabka Gobalka Benaadir dib ugu laabteen hab doorasho oo toos ah.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo guud ahaan shacabka Gobalka Benaadir, isagoo bogaadiyay guusha laga gaaray yoolka muddada dheer la higsanayay.

Geeddi-socodka doorashada qof iyo cod wuxuu ahaa mid shacabka Soomaaliyeed si weyn u sugayeen, waxaana muwaadiniintu fursad u heleen inay codkooda ku doortaan xisbiyada ay aaminsan yihiin inay matali karaan rabitaankooda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa yiri: “Taariikh cusub oo dowladnimo ah ayay maanta qoreen shacabka Gobolka Banaadir, waana maalin xusuus mudan.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hay’addaha amniga, isagoo ammaanay sida ay xil iskaga saareen sugidda amniga caasimadda Muqdisho intii lagu guda jiray qabsoomidda doorashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Cabdikariim”Maqribnimadii caawa ayay soo xirmatay codeynta Doorashada”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed...

Maamulka koonfur galbeed oo bogaadiyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

RW Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer...

MW Xasan Sheekh oo maanta codkiisa dhiibtay iyo fariin uu u diray Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta codkiisa ka...

Codeynta Doorashada Golaha deegaanka ee G/Banaadir oo weli socota(sawirro)

Codeynta ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilaabtay goobaha codbixinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles