Tuesday, March 3, 2026

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xafiiska Ku Qaabilay ErgaygaMidowga Afrika u Qaabilsan Somalia

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire El-Hadji Ibrahima Diene “Boly” oo dhawaan loosoo magacaabay Ergayga gaar ah ee Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howgalka AUSSOM.

Ugu horeyn Danjire El-hadji, ayaa uga warbixiyey madaxweynaha sida uu u socdo howlgalka AUSSOM qeybta Hirshabeelle oo ay joogaan ciidamo ka kal socda Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay inay ka go’an tahay Midowga Afrika taageeradooda Soomaaliya inay sii wadaan.

“Midoowga Afrika iyo howlgalka AUSSOM waxaan ku ammaanayaa garab-istaagooda Soomaaliya gaar ahaan dagaalka AS.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa sidaas ku waramay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Ergayga gaarka ah ee Midoowga Afrika waxa uu la wadaagay sida ay lagama maarmaan u tahay in la wiiqo awoodda AS.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles