Madaxweynaha hirshabelle oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka hiiraan

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu xilka uga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye, waxa uuna Cali Guudlaawe xilkaasi u magacaabay guddoomiye cusub.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle , ayaa loogu magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (Carab) in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, lamana sheegin sababta xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday, waxaana khilaafka masuuliyiintan uu noqday mid marar badan lagu guul dareestay in xal loo helo.

Guddoomiyaasha gobolka Hiiraan loo magacaabo ayaa marar badan is beddel lagu sameeyaa, waxaana inta badan is beddel keena khilaaf siyaasadeed iyo mid maaliyadeed oo soo kala dhax gala Madaxda sare ee maamulka Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles